Wararka
Wsarada caafimaadka oo magalada Muqdisho ka daah furtay Shir looga hadlayo arrimo la xiriira Fayraska Korona.

Wsarada caafimaadka xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa magalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxa ay ka daah furtay Shir looga hadlayo arrimo la xiriira Cudurka halista ee loo yaqaano Coronavirus ee ka dilaacay dalka Shiinaha gaar ahaan Gobolka Wuhan.
Shirkan oo qeyb ka yihiin qaar ka mid ah madax ka socotay wasarada caafimaadka dowlada goboleedyada dalka ka jira ayaa waxa si wadajir ah ushir gpodominayey wasiirka caafimaadka XFS Fowsiyo Abiikar Nuur iyo waliba Wasiirka wasarada gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomar.
Shirkan ayaa inta badan looga hadlaya ka hortaga cudurka loo yaqaano carona viroska kaasi ka dilaacay gudaha dalka shiinaha waxana la shaaciyey in uu soo gaarey cudurkan qaarada Afrika gaar ahaan geeska Afrika.
Dalalka ilaa hatan laga heley cudurkan ayaa waxa ka mid ah kenya iyo Itoobiya oo meel lagu kartiilo geeyey dad looga shakiyey in qabaan cudurka kuwaasi ka yimid qar ka mid ah dalalka uu ka dilaacay cudurkan.
Wasaaradda Caafimaadka Xukumadda Fedaraalka ayaa dhowaan goroonka Aadan Cade ka bilaabday olole looga hortagayo cudurkan waxana wasaradu ay goroonka gaysay qalab lagu baaro cudurkan garon viros oo dhibaato ba’an ku haya qaar ka mid ah dalalka caalamka.