Wararka
Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland oo gaaray Magaalada Magaalada Dhahar.

Weftiga uu hoggaaminaayo Gudoomiyaha Golaha Wakiillada dowlad goboleedka Puntland Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa Maanta gaaray Magaalada Magaalada Dhahar oo uu ka ka daah furay Diwaan-gelinta Ciidamada, Sidoo kalena Kormeeray Xerooyinka Ciidamada Difaaca.
Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Dawlad goboleedka Puntalnd, Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo weftiga uu hogaaminayo ayaa magaalada Dhahar ee xarunta gobolka Hayland ka daah-furay diwaan galinta casriga ee Ciidmada ku sugan gobolka Hayland, kuwaas oo isugu jira Boolis iyo Daraawiish.
Sidoo kale wefdiga ayaa kormeeray xeryaha Ciidamada Difaaca ay ku leeyihiin duleedka magaalada Dhahar, halkaaas oo la geeyey Kooxaha qaabilsan diwaan galinta iyo Caafimaadka Ciidamada Dawladda, iyagoo Ciidamada sharaxaad ka siiyey habkan cusub ee Dawladdu wado.