Wararka
Madaxweyne Lafta Gareen oo hambalyo u diray madaxweynaha cusub ee Galmudug iyo Ku-xigeenkiisa.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) ayaa Hambalyo u direy Madaxweynaha Cusub Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo Madaxweyne kuxigeenka Cali Daahir Ciid iyo Dhamaan Xubnaha Cusub ee Gudoonka Barlamanka iyo Xildhibaanada Barlamanka.
Madaxweyne Lafta Gareen ayaa dhamaan madaxda cusub ee Galmudug u rajeeyay in Xilka Culus ee loo igmaday ay u gutaan si Cadaalad ay ku dheehantahay, Bulshada Galmudugna ay u horseedaan Hanaanka Dowladnimo iyo Baahinta Adeegyada Dowlada.
Sido kale Madaxweyne Cabdicasiis Lafta gareen ayaa Bulshada Reer Galmudug ugu baaqay inay la Shaqeeyaan Madaxweynaha Cusub Si loo Hormariyo Bulshada iyo Deeganka.