Wararka
Dowlada Soomaaliya oo doonayso in ay dhisto Garoon Cusub.
Wasiiro iyo xlidhibaano katirsan DFS, guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, madaxweyne ku-xigeenka dowlad goboleedka Hirshabeele iyo rugta ganacsata Soomaaliyeed ayaa dhowr goobood oo kamid ah gobolka Shabeelaha dhaxe kormeer ku sameeyay si ay sahmin ugu sameeyaan halka ku haboon in laga hirgaliyo garoon diyaaradeed oo casri ah.
Mas’uuliyiintan waxaa kormeer kooda ku wehlinaayo qubara ku xeel dheer sahminta garoomadaha diyaaradeed waxeyna madaxda quburada Sahminta sameynayay ay isku raaceen in goob kamid ah degmada Warsheekh ay tahay halka ku haboon in laga hirgaliyo garoonka cusub ee diyaaradaha.
Qaar kamid ah odayaasha iyo culumada deegaanka oo warbaahinta la hadlay ayaa dhulkooda ugu yaboohay qaranka iyo in looga shaqeeyo danaha umada Soomaaliyeed.
Xildhiban Cabdiqaadir Carabow oo kamid xildhibaanada golaha shacabka ee BFS ayaa ka hadlay muhiimada ay dadka deegaanka u lee dahay hirgalinta garoonka cusub ee diyaaradaha.
Madaxweyne ku-xigeenka dowlad goboleedka Hirshabeele Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) Ayaa dhankiisa sheegay in ay soo dhaweynayaan fulinta masharuucan.
Wasiirka Gaadiidka, cirka iyo dhulka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Salaad (Oomaar) ayaa faah faahiyay qorshaha ay dowlada ku fulineyso Mashruuca garoon diyaaradeed oo casri ah.
Wasiirka wasaarada maaliyada XFS Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa dhankiisa tilmaamay in Soomaaliya ay cagta saartay wadadii midnimada iyo horumarka.