Wararka
Wasiirka Arrimaha Dastuurka oo kulan la qaatay Safiirka Sweden ufadhiya Soomaaliya.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka xukuumada federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac oo uu wehliyo agaasimaha guud ee wasaaradda Mohamed Abukar Zubayr ayaa maanta kulan kula yeeshay xafiiska wasaaradda Dasturuka Safiirka Sweden ufadhiya Soomaaliya Mr. Staffan Tillander.
Kulanka ayaa intii uu socday waxaa ay wasiir Saalax Axmed Jaamac iyo Ambassador Staffan Tillander ka wada hadleen arrimaha geedi socodka dib u eegista Dastuurka.
Safiirka ayaa ku bogaadiyay Wasaaradda howlaha muhiimka ah ee ay ka wado dib u eegista Dastuurka iyo qaabka ay u wajahayso arrimaha u baahan wada xaajoodka siyaasadeed, sidoo kale waxa uu ammaanay qorshaha lagu dhammaystirayo geedi socodka dib u eegista Dastuurka bisha Juun, 2020.