Wararka
MAGAALADA MUQDISHO OO LAGU QABTAY SHIR LOOGA HADLAAYAY ISTIRAATIIJIYADDA BIYAHA.
Xoghayaha joogtada ee xafiiska ra’iisul wasraaha xukuumada federaalka Soomaaliya Dr. Axmed Nuur Maxamed Cabdi ayaa magalada Muqdisho ka daah furay Shir ku aadan hirgalinta Istiraatiijiyadda biyaha Soomaaliya.
Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galay qaar ka mid ah wasaraha xukumada fadaralka Soomaliya gaar ahaan wasaradaha tamarta iyo keheyraadka biyaha ,xananada xoolaha ,beeraha iyo wakiilo ka socday beesha caalamka waxana si wayn looga dooday dhameystirka istaraajiyada biyaha Soomaaliya iyo hirgilinteeda
Wakiilada ka socday Qaramada Midoobe , Midowga yurub iyo dolaadaha Jarmalka iyo Ingiriiska ee qeybta ka ahaa shirka ayaa soo dhoweyey istiraajiyada biyaha Soomaaliya waxana ay shaaciyeen in mashaaraiicyada ay ka fuliyaan gudaha Soomaaliya ay ku dabaqi doonan istaratiijiyadan.
Istiraatiijiyada biyaha Soomaaliya ayaa la filaaya in ay dhaqan gasho bartamaha sanadkan e 2020-ka waxana diirada saareysa in Soomaaliya ayhesho isku filnaansho dhanka biyaha ah iyo ka hortaga fatahaadaha.
Agaasimaha guud ee wasarada tamarta iyo kheyradaka biyaha ee XFS Cabdiwaaxid Ibraahim Axmed oo qeyb ka ahaa shirka ayaa shaciyey in kulanka looga hadlay in dadka Soomaaliyeed la baro sida ay ukeydsadaan biyaha si ay uga samata baxaan abaaraha kusoo wajahan.