Wararka
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo u dhoofay dalka Burkiino Faso.
Wafdi uu Hogaaminaayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanaka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa waxaa ay xalay ka dhoofeen Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle ee Magaalada Muqdisho,iyaga oo kusoo jeeda dalka Burkiino Faso.
Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka ayaa Wafdi ka sagootiyay garoonka waxaa ayna Magaalada Ouagadougou ee Caasimadda dalka Burkina Faso uga qeyb-geli doonaan Shirka sanadlaha ah ee Midowga Baarlamaanada Dowladaha xubnaha ka ah OIC (PUIC).
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanaka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa inta uu dalkaasi ku sugan yahay waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaan qaar kamid ah Madaxda ka qeyb-galeysa Shirka sanadlaha ah ee Midowga Baarlamaanada Dowladaha xubnaha ka ah OIC (PUIC).