Wararka
Golaha Wasiirrada dalka oo kulan deg deg ah iskuugu yimid.
Shir aan deg deg ah oo ay Golaha Wasiirradu maanta Muqdisho ku yeesheen ayey ku ansixiyeen oggolaanshaha heshiiska ay dowlada Norway ku caawineyso deyn-cafinta Soomaaliya. Dowladda Norway ayaa bixineysa lacag gaareysa $400 Milyan oo ah qaanta Bangiga Adduunku ku leeyahay Soomaaliya.
Sidoo kale Dowladaha Ingiriiska iyo Talyaaniga ayaa bixinaya ammaahda ay Soomaaliya ku leeyihiin Hay’adda Lacagta Adduunka iyo Bangiga Horumarinta Afrika.
Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii wasaaradda maaliyadda ay soo bandhigtay qorshaheeda ku aadan dalaadda deynta looga cafinaayo dalka taas oo ay ku qanceen hay’adaha maaliyadda adduunka iyo dowladaha deymaha ku leh Soomaaliya.
Sida lagu sheegay war-qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Ra’iisal wasaaraha dalka “Hay’adda lacagta adduunka, Bangiga Adduunka iyo Bangiga Horumarinta Afrika ayaa la filayaa in todobaadyada soo socda ay ku dhawaaqaan in deynta laga cafiyay Soomaaliya, taas oo bog cusub u fureysa dhaqaalaha dalka”.