Wararka
Wasiirka Awqaafta oo shahaada Sharaf guddoonsiiyay safiirka Boqortoyada Sacuudiga ee Kenya.
Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha diinta xukuumadda federaalka Soomaaliya Sheekh Nuur Maxamed Xasan ayaa booqasho ku tegay Safaaradda Sucuudigu uu ku leeyahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Wasiirka iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa kulan la qaatay safiirka dowladda Sucuudiga u fadhiya Kenya Dr. Maxamed Cabdulqani khayaat.
Intii uu kulanka socday, wuxuu Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha diinta Soomaaliya uga mahadceliyay dowladda Sucuudiga adeegyada ballaaran ee ay u fidineyso Shucuubta Muslimiinta,isagoo sidoo kale shahaado sharaf guddoonsiiyay safiirka iyo xubnaha safaaradda dadaalka iyo fududeynta ay u sameeyeen adeegyada Xajka ee xujeyda Soomaaliyeed sannadkii tegay 1440 hijriyada Islaamka.