Wararka
Hindiya iyo Brazil oo wada gaaray Heshiisyo Maalgashi.
Ra’iisal wasaaraha dalka Hindiya Narendra Modi ayaa qasriga madaxtooyada dalkaasi kulan kula qaatay madaxweynaha dalka Brazil Jair Bolsonaro iyadoo uu kulanka goob joog ka ahaa madaxweynaha Hindiya Ram Nath Kovind.
Dowladaha Hindiya iyo Brazil ayaa wada gaaray heshiiso ku aadaan dhanka dhaqaalaha iyo maalgashiga ah, sida Difaaca, qodista macdanta, Beeraha, Deegaanka iyo caafimaadka.
Ra’iisal wasaaraha dalka Hindiya Narendra Modi ayaa intaasi ku daray in labada dowladood ay iska kaashan doonaan sidii ay ugu mid noqon lahaayeen golaha amaanka Qaramada Midoobe.
Ganacsiga Hindiya ay la leedahay dowlada Brazil ayaa sanadihii 2018-ka ilaa 2019-ka gaaray qiima dhan $8 billion oo dollarka Maraykanka ah.