Wararka

Golaha Aqalka Sare ee oo Akhrinta 1aad marsiiyey Hindise -sharciyeedka Duulista Rayidka.

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku yeeshay xarunta Aqalka Sare Kulakii 32aad ee Kalfadhiga 6aad ayada oo uu shir Guddomiyay Guddomiyaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xaaahi Cabdullahi waxaana Kulanka ku-wehlinaayay Guddomiye Ku-xigeenka 1aad ee Aqalka Sare Seentar Abshir Maxamed Axmed.

Ajanadaha Kulanka maanta ay yeesheen Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ahaa Akhrinta 1aad Hindise -sharciyeedka Duulista Rayidka iyadoo uu golaha hor yimid Wasiirka Wasaarada gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Masuuliyiin la socday waxaa ayna Golaha Aqalka Sare ee BFS u akhriyeen warbixinta Akhrinta 1aad Hindise -sharciyeedka Duulista Rayidka.

Inta kadib Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare ee BFS Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa sheegay in Hindise-sharciyeedkan si rasmi ah loogu wareejiyay Guddiga Kheeyraadka Qaranka ,Kaabiyaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka ee Golaha Aqalka Sare si ay uga gutaan wajibaadka uga aadan hindise-Sharciyeedkan.Image may contain: 1 person, textImage may contain: 1 person, standing, suit and indoor, text that says "LAHA AQALKA SAR FEDERAAL"Image may contain: 5 people, people sittingImage may contain: 9 people, people sittingImage may contain: 3 people, suitImage may contain: 1 person, sitting

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close