Wararka

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo daah-furay ololaha balaarinta Nadaafada Caasimadda.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa daah-furay ololaha balaarinta Nadaafada Caasimadda kaas oo ay ka qeyb gali doonaan dhamaan degmooyinka Gobolka Banaadir.

Wadada Isku xirta degmooyinka Kaaraan, Shibis, Boondheere iyo Yaaqshiid ayaa lagu soo bandhigay daah-furka ololaha nadaafada Caasimadda kaas oo lagu xoojinaayo bilic soo celinta magaalada Muqdisho, sidoo kale ololahan ayaa waxaa daba socda ganaaxyo kala duwan oo lagu qaadi doono qofkii bilicda ku xadgudba.

Ololahaan oo ahaa mid balaaran ayaa waxaa horkacayay duqa magaalada Muqdisho iyadoo wadada laga nadiifinayay qashinka, wasaqda iyo ciida taalay.

Agaasimaha guud ee nadaafada iyo bilic soo celinta Caasimadda Sharmaarke Cadow Tuuryare ayaa ka warbixiyay ololahani.Guddoomiyaha degmada Boondheere Seynab Yuusuf Wehliye waxey tilmaamtay iney diyaar u yihiin xoojinta bilicda.

Guddoomiye ku-xigeenka arimaha bulshada gobolka Banaadir Marwo Basma Caamir Axmed ( Jaktti) wax ay warbaahinta u sheegtay in ganaax adag uu la kulmi doono cidkasta oo nadaafada ku xad gudubta.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa sheegay in ay masuuliyad wadareed tahay ilaalinta iyo ka qeyb qaadashada nadaafada.Image may contain: 1 person, walking and outdoorImage may contain: 6 people, crowd and outdoorImage may contain: 9 people, people standing, sky and outdoorImage may contain: 5 people, people standing, crowd and outdoorImage may contain: 8 people, people standing and outdoor

 

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close