Wararka
Madaxweyne Deni oo kulan la qaatay Safiirka France u qaabilsan Soomaaliya iyo Kenya.
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magaaladda Nairobi ee caasimada dalka Kenya kula kulmay Safiirka Dowladda France u qaabilsan wadamada Soomaaliya iyo Kenya Ambassador Aline Kuster-menager.
Kulanka oo ay ka qeybgaleen Qunsulka Safaarada France u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Emmanuel Dagron-Halim iyo Masuuliyiin ka tirsan dowlad gobleedka Puntland, waxaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, Siyaasadda, Amniga iyo mashaariicda horumarin ee Puntland ka socda.
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magaalada nairobi u jooga howla shaqa iyadoo ay magaalada kuwehlinaayaaan qaar kamid ah madaxweynayaasha dowlad goboleedyada dalka.