Wararka
Dowlada Soomaaliya oo war-kasoo saartay hadal uu dhawaan warbaahinta siiyay Danjire Guulwade.

Madaxtooyada Qaranka ayaa war-saxaafadeed kasoo saartay War uu dhawaan warbaahinta siiyay Danjire Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade) waxa ayna sheegtay in warkaasi uusan ka turjumeynin mowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kan Guddiga Wadahadallada DFS iyo Soomaaliland oo uu ka tirsanaa.
Qoraalka kasoo baxay xafiiska madaxtooyada Qaranka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Danjire Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade) oo iska casilay xubinnimadii Guddiga Qaran ee Dhab-u-heshiisiinta iyo Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Soomaaliland.
Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka kasoo baxay Xafiiska madaxtooyada Qaranka:
Madaxtooyada dowlada Federaalka Soomaaliya waxay caddeynaysaa in Danjire Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade) uu iska casilay xubinnimadii Guddiga Qaran ee Dhab-u-heshiisiinta iyo Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Soomaaliland.
Hadalka uu warbaahinta siiyay Danjire Guulwade waa mid kafog waaqaca aan maanta ku nool nahay, wuxuuna dhaawacayaa wadahadallada haatan loo gogol xaarayo in la isugu soo dhaweeyo dadka Soomaaliyeed ee kala irdhoobay, dibna loogu yagleelayo dowladnimo Soomaaliyeed oo loo dhanyahay.
Shacabka Somaliland waxay dhiig iyo dhaqaale ku bixiyeen sidii dalkan looga xoreyn lahaa gumeystihii kusoo duulay, iyagaana hormuud u ahaa midnimadii labada gobol. Midnimadaas kuma iman khasab iyo gacan ka hadal ee waxay ku timid wada hadal, is qancin, is-qaadasho iyo isu tanaasul.
Waxaan aad uga xunnahay hadalka danjiraha, annaga oo adkeynayna inuu yahay mid isaga u gaar ah oo aan ka turjumeynin mowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kan Guddiga uu ka tirsanaa.