Wararka
Duqa Muqdisho oo kulan gaar ah la qaatay safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta xafiiskiisa kulan gaar ah kula qaatay safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Mr. Nicolás Berlanga Martinez.
Kulankaani gaarka ah ee u dhaxeeyay Duqa Magaalada Muqdisho iyo safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya ayaa ujeedkiisu ahaa dardargalinta mashaariicda horumarineed ee ka socota Caasimadda dalka.
Guddoomiyaha Gobolka Banadir Cumar Filish iyo Safiirka Midowga yurub ee Soomaaliya ayaa kulanka kadib si Wadajir ah u daahfuray mashruuca Saanqaad oo ah mid mashruuc cusub oo uu maamulka gobolka Banaadir ugu talagalay in lagu xoojiyo horumarinta ganacsiga cusub ee Caasimadda.