Wararka

Duqa Muqdisho oo daahfuray Barnaamij lagu magac daray Bulsho Bile.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa daahfuray barnaamij cusub oo lagu magacaabo Bulsho Bile kaas oo loogu talagalay in lagu xoojiyo isdhaxgalka bulshada iyadoo ay ku tartami doonaan 17ka Degmo ee Gobolka Banaadir.

Madasha munaasabdan lagu qabanayay oo ah degmada Kaaraan ayaa degmooyinka ka qeyb galayay waxa ay soo bandhigeen hal abuur kala duwan sida hidaha iyo dhaqanka iyo wax soo saarka dalka.

Waxaa lagu bilaabay barnaamijkaan degmada Kaaraan, Hiliwaa, Yaaqshiid iyo Shibis oo ah degmooyinka xiga qeybta Bari ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) oo ka hadlay furitaanka barnaamijka bulsha Bile ayaa sheegay in hadafka barnaamijkan uu yahay xoojinta nabada, dhiiragalinta hal abuurka bulshada iyo dib usoo nooleynta hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed.Image may contain: 6 people, people standingImage may contain: 11 peopleImage may contain: one or more people, crowd and outdoorImage may contain: 10 people, people standingImage may contain: 11 people, people smiling, people standing

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close