Wararka

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada dalka oo khudbad ka jeediyay dalka Kenya.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee xukuumada Federaalka Soomaaliya, Sadiiq Xirsi Warfa ayaa maanta ka qayb galay shir ay isugu yimaadeen Wasiirada Shaqada ee Bariga iyo Geeska Afrika oo ka qabsoomay Caasimada dalka Kenya ee Nairobi.

Shirkaan ayaa socon doona laba maalin waxaana inta uu socda diiradda lagu saariyaa isu-duwida siyaasadaha socdaalka shaqaalaha ee Bariga iyo Geeska Afrika.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee dowlada Federaalka Soomaaliya, Sadiiq Xirsi Warfa oo furitaanka shirka khudbad ka jeediyay, ayaa sheegay ka hadlida arrimaha shaqada inay fursad u abuurayso bulshada gobolka.

“Haddii socdaalka Shaqaalaha si habsami leh loo maareeyo, faa’iido weyn ayey u yeelan kartaa waddamada ay ka soo jeedaan iyo kuwa ay shaqada u doonteenba,taariikhda ayaana caddeysay.” ayuu yiri Wasiir Sadiiq Warfaa.

“Qofna ma aha inuu naftiisa khatar u geliyo si uu u helo nolal wanagsan.. Xukuumadda Soomaaliya dadaal ayay ku bixinaysa sidii ay bulshadu u heli lahaayeen fursado shaqo oo is beddel dhaliya .” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Shirka waxaa soo agaasimey Hay’adda Socdaalka Qaramada Midoobey ee IOM iyo Wasaaradda Shaqada iyo Ilaalinta Bulshada dalka Kenya ee martida loo yahay.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close