Wararka
(DAAWO):Ra’iisal wasaare Khayre oo kulan la qaatay safiirrada dalalka Turkiga iyo Qatar.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa maanta xafiiskiisa kulan gaar ah kula qaatay safiirrada dalalka Turkiga iyo Qatar, maamulaha Shirkadda Enez iyo taliyaasha booliiska iyo xoogga oo uu wehliyo taliyaha booliiska gobalka Banaadir.
Kulanka ayaa intiisa badan looga hadlay dardar gelinta mashruuca dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye iyo sugidda amniga howl-wadeennada ka shaqeynaya, waxaana la isla gartay in argagaxisada aysan hor-joogsan karin mashaariicda horumarineed ee dalka ka socda.
Hoos ka daawo waxyaabihii kulanka looga hadlay:
Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed S/gaas Cabdi Xasan Maxamed {Xijaar} ayaa sheegay in ciidanka boolisku ay gacanta ku hayaan oo ay heleen Amaal Nuur Cusmaan oo ka maqnayd hooyo Amran xalane
Posted by TUSMO TV on Tuesday, 21 January 2020