Wararka
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya “Amniga dalka xuduudmalahan”.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed {Xijaar} ayaa furay shir looga hadlayo amniga guud ee dalka iyo dib u habeyn lagu sameenayo Tayada ciidanka ee qorshaha sanadkaan 2020.
Taliyaha ayaa sheegay in sanadkaan cusub ay ciidamada Booliiska ay kusocota dib u habeen balaaran oo lagu samaynaayo tayada, aqoonta, waxqabadka iyo kartida ciidanka.
Ugu danbeyn Taliye Xijaar ayaa Saraakiisha kula dardaarmay in amniga dalka uusan xaduud laheen loona baahan yahay in dhinacyada ay qusayso dhowrista sharciga ay iska kaashadaan ilaalinta amniga dalka.
“Mid ayaan rabaa in aan idinkula dardaarmo oo idin sheego, amniga dalka xuduudmalahan, marka qofka ugu sareeyo iyo qofka ugu hooseeya ee ciidanka Booliska meel kasto oo uu jooga oo kamid ah dalka Soomaaliya,Boolis buu ka yahay,” Ayuu yiri taliye Xijaar.