Wararka
War-murtiyeed kasoo baxay maamulada Jubbaland iyo Puntland.

Dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ayaa soo saaray war-murtiyeed wada jir ah kadib booqasha maalma qaadatay oo madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland uu ku joogay Puntland.
War-murtiyeedka ayaa lagu sheegay in dowladaha Jubbaland iyo Puntland ay kawada hadlen arrimo dhowr ah oo ay kamid tahay sidii ay maamuladaan iskaaga kaashan lahaayeen dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo sidii labada dhinac ay iskaaga kaashan lahaayeen wadaagista xirfadaha.
Dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ayaa eedeen usoo jeediyay dowlada federaalka Soomaaliya iyagoo sheegay in habka ay dowlada u waddo maamulka uu yahay mid hareer marsan dastuurka dalka sidaasi darteetna ay dowlada ugu baaqeen in ay dhowrto sharciga dalka u yaallo.
Hoos ka akhriso warmurtiyeedka kasoo baxay maamulada Jubbaland iyo Puntland: