Wararka
Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo daahfuray shir looga hadlaayo arrimaha barakacayaasha.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumada federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daah furay Shir heerkiisu sareeyo kaas oo lagu soo bandhigayo qorshaha xalka gaarista arimaha barakacayaasha ee 4-Sano ee soo socota.
Furitaanka shirka ayaa waxaa Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka kuwehlinaayay Guddoomiyaha Gobolka Banadir ahna duca caasimada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed cumar Filish.
Barakacyaal aad u badan ayaa ku dhaqan dalka gaar ahaan caasimada Soomaaliya ee Muqdisho kuwaas oo aan haysan waxyaaba badan oo aas aas u ah noolasha aadanaha waxaana dhibaatada ugu badani soo gaartaa barakacyaashaani wakhtiyada roobabka oo aysan helin hooy wanaagsan oo ay roobka ka dugaashaan.