Wararka

Madaxweynaha Jubbaland oo khudbad u jeediyay boqolaal shacab ah.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta khudbad u jeediyay Dadweyne kala duwan oo uu kula hadlay Jaamacada bariga Afrika ee Magaalada Boosaaso.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa amaanay dadaalka dadkii Aas Aasay Goobaha waxbarasho ee dalka gaar ahaan Jaamacada bariga Afrika oo uu sheegay in dalka ay kasoo shaqaysay wakhtiyo adag.

Madaxweynahu wuxuu ka hadlay Xiriirka maamulada Puntland iyo Jubbaland isagoo sheegay in uu yahay mid taariikhi ah oo labada shacab ay waxyaabo badan wadaagan loona baahan yahay in taas lasii xoojiyo iyadoo xooga la saarayo Hormarka dhaqaalaha amaanka iyo Siyaasada.
Sidoo kale Madaxweynahu waxaa uu shacabka Puntland ugu mahad celiyay garab istaagii ay u muujiyeen xiligii doorashadiisi taas oo ay ka dhalatay muran badan.

Mar uu soo hadal qaaday khilaafka kala dhaxeeyo dowlada federaalka ayuu madaxwynaha Jubbaland sheegay in uu diyaar ulayahay la shaqaynta dowlada federaalka balse taas ay ka horayso in la dhowro Dastuurka iyo sharciga dalka u yaala oo qofna aan laga ogolaan inuu siduu doono u dhigo Arimaha Siyaasada dalka.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa ugu danbayn Shacabka Gobolka Bari ugu baaqay inay kala shaqeeyaan amaanka maamulkooda si dhibaatada amaan daro meesha looga saaro taas oo lagu heli karo in Hay’adaha amaanku ay tageero ka helaan shacabka.Image may contain: 4 people, people sittingImage may contain: 2 people, people sitting, crowd and indoorImage may contain: 3 people, people smiling, people sitting and suitImage may contain: one or more people and indoorImage may contain: one or more people, crowd and indoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close