Wararka

Hirshabeele oo AMISOM kala shirtay Furista Wadooyinka ay xireen Al-shabaa

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Hirshabeelle Mudane Maxamed Cali Caadle ayaa maanta shir looga hadlayay aminiga Degmada Buulaburde iyo guud ahaan Gobolka Hiiraan kula yeeshay Saraakiisha CXD Soomaaliya, kuwa police-ka Hirshabeelle iyo Segtar 4 amisom ee Gobolka Hiiraan waxaana shirka qeyb ka ahaa Odayaasha dhaqanka Degmada Buulaburde.

Wasiir Caadle ayaa Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa Amisom ka codsaday in ey go’doonka kasaaraan Degmada Buulaburde iyo sidii loo furi lahaa wadada xiriirisa Buulaburde, Jalalaqsi iyo Beledweyne sidoo kale CXD iyo Amisom ayaa balan qaaday in ey bilaabi doonaan howlgalo lagu xaqiijinayo aminiga Gobolka Hiiraan.

uga Dambeyn sarakiisha AMISOM iyo kuwa xooga Dalka ayaa balan qaaday in ay xoojin doonaan amaanka iyo ilaalinta xuquuqaadka shacabka ay leeyihiin.Image may contain: 2 people, people standingImage may contain: 6 people, people sitting, drink and indoorImage may contain: 1 person, sitting, drink and indoorImage may contain: 4 people, people standing and outdoorImage may contain: 2 people, people standing and outdoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close