Wararka
Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Ka Qayb Galay Daah-furka Guddiga Xirfadlayaasha Caafimaadka Puntland.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ka qayb galay xafladda Daah-furka guddiga Xirfadlayaasha Caafimaadka Puntland.
Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa waxaa ku wehelinaayey xafladdaasi masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, Guddiga Xirfadlayaasha Caafimaadka Puntland, Dhakhaatiir, aqoonyahano iyo masuuliyiin kale.
Guddiga Xirfadlayaasha Caafimaadka Puntland ayaa ah Guddi dowli ah oo shaqadiisu noqonayso Hubinta, Ruqsad-siinta, Diwaangelinta, Kormeerka, Dhawrista iyo ilaalinta xirfadda Caafimaadka Dhulka Dowlad goboleedka Puntland, waxaana uu Gudigu hoostegeyaa Wasaaradda Caafimaadka Puntland.
Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa bogaadiyey cid kasta oo kasoo shaqaysay Agaasinka xafladda iyo dhismaha Golaha Caafimaadka oo uu xusay in uu yahay Guddi muhiim ah oo wax badan Dowladda ka saacididoona.
Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa xaqiijiyey in ka maamul ahaan uu garab muuqda siindoona, lana shaqayndoona Guddiga Xirfadlayaasha Caafimaadka Puntland, si ay ugu fududaato shaqada muhiim ka ah ee ay u idman yihiin.