Wararka
Dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland oo kulan wada jir ah yeeshay.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta ka qayb galay Shirka Xukuumadaha Puntland iyo Jubbaland, kaasi oo ka qabsoomay magaaladda Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Sidoo kale Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullahi Dani oo uu wehelinayay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa ay kormeereen qaybaha kala duwan ee Dekeda iyo Xarunta Wasaarada Dekedaha Puntland.
Waxaa kale oo wafdigu ay booqdeen Xarunta Taliska saldhiga bartamaha ee Magaalada Boosaaso iyo Xarumo kale iyagoo u kuur galaya sida ay shaqooyinku u socdaan waxaana uu kormeerkan ahaa mid khibrad wadaag ah iyadoo Masuuliyiinta Kale ee Madaxweynaha la socotay ay la kulmeen dhigooda xarumahan ka howlgalaya.