Wararka
Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo ka qayb galay Shirkii asbuuclaha ahaa ee gudiga horumarinta PFM.

Magaalada Garoowe ee caasimada dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxaa ka qabsoomay Shirkii asbuuclaha ahaa gudiga horumarinta PFM kaas oo looga hadlay waxyaabaha u qabsoomay Wasaarada Maaliyadda, guulaha la garay,caqabadaha jira iyo shaqooyinka aan wali qabsoomin sababtooda.
Shirkan ayaa waxaa Shir gudoominayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Faysal Cabdullaahi Warsame, waxaana kasoo qaybgalay Hantidhowrka guud, Xisaabiyaha Guud, Agaasime kuxgeenada Wasaaradda Maaliyadda Puntalnd, Madaxda Mashruuca PFM iyo qaybaha kala duwan ee Wasaaradda Maaliyadda.
Ugu danbeyn Agaasimaha Guud ayaa u mahadceliyey madaxda iyo Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda guulaha ay ka gareen qorshahayaashii la dejiyey.