Wararka

Amb. James Swan oo kulan la qaatay hore ee Arrimaha dibada dalka Kenya.

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobe u jooga Soomaaliya Amb. James Swan oo kusugan caasimada dalka Kenya ee nairobi ayaa kulan la qaatay Wasiirkii hore ee Arrimaha dibada dalka Kenya Monica Juma, oo hadda loo magacaabay wasiirka difaaca dalkaasi Kenya.

War-qoraal ah oo la soo dhagay Barta Twitter-ka ee UNSOM ayaa lagu sheegay in Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobe u jooga Soomaaliya Amb. James Swan uu wasiir Monica Juma kala hadlay arrimaha Soomaaliya gaar ahaan doorashada 2020-ka dalka lagu wado in ay ka dhacdo iyo xaaladaha amaanka iyo waliba doorka AMISOM ee amaanka Geeska Africa.

Wasiirkii hore ee Arrimaha dibada dalka Kenya Monica Juma, ayaa aheed ruux si weyn galaangal buuxa ugu lahaa is riix-riixi dowlada Soomaaliya iyo Kenya ee ku aadanaa sheegashadii dowladaasi Kenya ee Biyaha dalka Soomaaliya.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close