Wararka
Dowlada Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirka Machadka Qorsheynta Dowladaha Carbeed.

Shirka Machadka Qorsheynta Dowladaha Carbeed ee Lagu Qabtay Magaalada Sharm Al-Sheikh ee dalka Masar ayaa looga hadlay Waxqabadka Machadka Sanadki Tagay, Qorshaha 2020-2025 iyo Miisaaniyadda Machadka.
Machadkan oo ay ku bahoobeen Dowladaha Carabta wuxuu Soomaaliya ka Taageeraa Tababarro dhinaca Tayeynta Shaqaalaha Dowladda.
Dalka Soomaaliya ayaa waxaa ku matalaayay shirkaan wafdi ballaaran oo ay hoggaaminayso Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Qorsheynta Hon. Fahma Ahmed Nur oo qudbad ka jeedisay Shirka waxa ayna kaga hadashay horumarka Soomaaliya iyo Diyaarinta Qorshaha Horumarinta Qaranka Sidoo kale waxa ay sheegtay in Shaqaalaha Dowladda ay si wanaagsan ay uga faa”iideysteen Tababbarada.
Wasiiraddu waxay shirka gaar gaar ah la yeelatay Madaxa Machadka iyo Madaxda ka kala socotay Dowladaha Carabta oo ay ka wada hadleen sidii Loo joogteyn lahaa loona kordhin lahaa Tababarada ay Soomaaliya u baahan tahay maadaama ay kasoo kabaneyso watigii adkaa ee ay soo martay.
.