Wararka

Xilibaanada golaha shacabka oo maanta ansaxiyey hin- diso sharciyedyo  dhowr ah.

Kalfadhiga 6-aad kulankiisa 31-aad ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 15/01/2020 uu Golaha Shacabka ku yeeshay xarunta Golaha, kaasoo Ajendahiisu ahaa u codeynta Wax-ka bedelka Sharciga iibka Qaranka iyo u Codeynta Wax-ka bedelka Sharciga Furdooyinka iyo Akhrinta 3-Aad ee hindise sharciyeedka Jaan-goynta iyo Tayo dhowrka Soomaaliyeed.

kulanka waxaa Shir-guddoominaayey Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey, Warbixinta Guddiga Maaliyadda waxaa soo jeediyey Xog-hayaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka Xildhibaan Aadan Cali Xasan.

Xildhibaanadda Golaha Shacabka ayaa u codeeyay Wax-ka bedelka Sharciga iibka Qaranka waxaa u codeysay 141 Xildhibaan sidoo kale waxaa ay golaha ansixiyeen Wax-ka bedelka Sharciga Furdooyinka Waxaana u codeysay 141 Xildhibaan.

Sidoo kale Xildhibaanadda Golaha Shacabka ayaa wada ogol  uga  codeeyay Ansaxinta sharciga Jaan-goynta iyo Tayo-Dhawrka sida uu ku dhawaaqey Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka  Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey.   

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close