Wararka
Maamulka Gobolka Banaadir oo degmada Kaxda ka dhagax dhigay mashaariic lagu fulinayo adeegyo lacag la’aan ah

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta dhagax dhigay mashruuc degmada Kaxda ee gobolka Banaadir halkaasi oo laga hirgilanyo xarun Caafimaad oo bulshada degmada looga adeego
Mashruucan oo ah mid si bilaash loogu adeego bulshada ku dhaqan degmada kaxda ayaa waxa ka mid ah school caruurta wax lagu barayo iyo sidoo kale Masjid lagu cibaadeesto.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa balan qaaday in maamulkiisa uu xoojin doono mashaariicda kor loogu qaadayo dib udhiska magalada Caasimadda ah ee muqdisho .