Wararka

Puntland oo sharciya cusub kasoo saaray cashuurta gaadiidka.

Madaxda Wasaaradaha Maaliyadda iyo Hawlaha Guud ee dowlad goboleedka Puntland,Ciidanka nabadgalyadda waddooyinka iyo Ciidanka ilaaladda Cashuuraha ayaa maanta yeeshay kulan ku aadan siddii loo dardargalin lahaa Dakhliga Puntland.

Kulankan intii uu socday ayaa si gaar ah looga hadlay cashuurta gaadiidka taasoo ololaheeda bilaaban doonta 16.01.2020 waxaana Gabagabadii shirka laga soo saaray  qodobadan:

  1. Gaariga lasoo qabto darawalkiisu uusan lahayn laysanka darawalnimo in la ganaaxo ama uu samaysto laysanka wadista gaariga.
  2. Gaarigii lugu leeyahay 1 saddax bilood ka badan waxaa saddax bilood kasta u raacaysa 30%.
  3. Dhammaan Madaxda Dawladda ee wata Gawaaridda aan dawladu lahayn iyo Shacabka waxaa lugu dhiiri galinayaa in ay si hufan u cashuurtaan gawaaridooda.
  4. Haddii gaariga KM la caddeeyo in uusan dhaqaaqin horayna loo diiwaangaliyay in la fariisay ama shil uu galay waxaa go’aan ka gaaraya guddi madax banaan oo ka kooban Wasaaradaha Maaliyadda, Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Ciidanka nabadgalyadda.
  5. Gaariga aan taarikada ugu xirnayn waa in lasoo qabtaa loona gudbiyaa sharciga.
  6. Kantrooladda aan haysan systemka data-base ka kama cashuuri karaan gaari xogtiisa lahayn.
  7. Gawaaridda aysan Dawladdu lahayn oo wata (BOLDER ama GD,Casaan) waa sharci darro waxaana lugu ganaaxayaa USD 400, waxaana loo gudbinayaa maxkamada si sharciga loogu fuliyo.
  8. Gawaaridda wata GD ee aysan caddayn hayadda Dawladeed ee iska leh waa in lasoo qabto si loo caddeeyo cidda iska leh.
  9. Gawaaridda lasoo qabto waa in la diiwangaliyo , ciidankuna ilaaliyaan badqabka Gawaaridaas la dhigay xeradda.
  10. In shaqaalaha ka adeega goobaha cashuurta gaadiidka kor loo qaado, lana soo dhaweeyo cashuur bixiyaasha.
  11. Gaari kasta waa in uu leeyahay istiikar gaarigii wata rasiidka lacag qabashada kaliya wa in la soo xareeyo uuna qaataa istiikarka.
  12. Ciddii kusii daysa gaari sifo sharci daro ah oo aan cashuurnayn waxaa go’aan ka gaaraya guddiga waxaana loo gudbinayaa sharciga.Image may contain: 1 person, sittingImage may contain: 1 person, sittingImage may contain: 1 person, sitting and indoorImage may contain: 3 people, people sitting, table and indoorImage may contain: 1 person
Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close