Wararka
kulanka guud ee Golaha Shacabka oo goordhaw furmay.

Waxaa maanta xarunta Golaha shacabka Baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka ka furmay kulanka guud ee Golaha Shacabka oo ay soo xaadireen 140 Xildhibaan.
Kulanka waxaa shir guddoominaayo guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Shacabka Shiekh Ibraahim Muudeey. sidoo kale kulanka waxaa goob joog ah guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad.
Ajendayaasha kulanka maanta ayaa ah U codeynta wax-ka bedelka sharciga Iibka Qaranka, U codeynta wax ka bedelka sharciga Furdooyinka iyo Akhrinta 3-Aad ee hindise sharciyeedka Jaan-goynta iyo Tayo dhowrka Soomaaliyeed.