Wararka

Puntland oo ay wali ka socota Diiwaangelinta Ciidamada Daraawiishta.

Diiwaangelinta casriga ah ,waxaa maanta maray Saraakiisha ugu saraysa Ciidamada Daraawiishta oo ay kamid yihiin Taliyaha Guud, Taliyayaasha Hoggaanka iyo waxaayaha Ciidamada Daraawiishta Puntland.

Wasiirka Maaliyadda ahna Guddoomiyaha Gudigga dib u habaynta Ciidamada Xasan Shire Cabdi iyo Wasiirka amniga dowlad goboleedka Puntland Cabdisamad Maxamed Galan ayaa kormeeray habsami u socodka diiwaangelintu.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda dowlad goboleedka Puntland Xasan Shire Cabdi Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ayaa ka hadlay diiwaangelinta ay mareen madaxda ugu saraysa Ciidamada Daraawiishta Puntland.

” Wali waxaan ku guda jirnaa dib u sixida Ciidamada waxan ka wadnaa Xerada Difaaca Dawladda Puntland ee 54aad, Saraakiishii ugu saraysay ayaa la diiwaangeliyay Insha Allaah sida aan ku rajo waynahay Ciidamo la ogyahay ayaa soo bixi doona”ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Puntland.Image may contain: 6 people, people smiling, people standingImage may contain: one or more people, people sitting and beardImage may contain: 2 people, people sitting and indoorImage may contain: one or more people, people standing and wedding

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close