Wararka
Golaha Aqalka Sare ee BFS oo ansixiyay sharci muhiim ah.

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Hindise-sharciyeedka Wax-ka beddelka Xeerka Warbaahinta.iyadoo Ajendaha Kulankana uu ahaa; Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Wax-ka beddelka Xeerka Warbaahinta.
Guddomiyaha Guddiga Horumarinta, Adeega Bulshada, Arrimaha Aadanimada, Warfaafinta iyo Dhaqanka ee Golaha Aqalka Sare Senatar Axmad Macalin Cumar ayaa ka hor akhriyay Golaha Aqalka Sare warbixinya Hindise-sharciyeedkaan waxaana kulanka Goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta XFS Maxamed Cabdi Xayir Maareey.
Golaha ayaa kadib guda galay dooda ku a’adan Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Wax-ka beddelka Xeerka Warbaahinta iyadoo ay sharcigaani ay ogolaadeen 23 Senatar,Waxaa diiday 3 Senatar, Waxaa ka aamusay 1 Senatar sidaasi ayuuna ansax ku noqday sida uu ku dhawaaqay Guddomiyaha Aqalka Sare ee BFS Sanatar Cabdi Xaashi Cabdullahi.