Wararka
Ra’iisal wasaaraha dalka oo kulan la qaatay Wafdiga kasocday hey’adda caafimaadka adduunka.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda hey’adda caafimaadka adduunka (WHO) oo socdaal shaqo ku yimid dalka.
Wafdiga kasocday hey’adda caafimaadka adduunka (WHO) ayaa waxaa hoggaaminaayay Agaasimaha caafimaadka loo dhanyahay, Dr. Peter Salama iyo waliilka Hey’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya, Dr Mamunur Rahman Malik.
Agaasimaha caafimaadka loo dhanyahay, Dr. Peter Salama ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyay soo dhaweynta, waxaa uuna masuuliyiinta dowladda ku ammaanay dadaalka ay ugu jiraan in dadka Soomaaliyeed oo dhan ay helaan caafimaad loo dhanyahay.
Kulanka ayaa waxaa Goob joog ka ahaa Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada iyo masuuliyiin kale oo ka socotay wasaaradda caafimaadka xukuumada federaalka Soomaaliya.