Wararka
Masuuliyiin sare oo ka socotay hay’adda caafimaadka addunka oo soo gaaray dalka.

Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde kusoo dhaweysay wafdi sare oo ka socda hey’adda caafimaadka adduunka ee (WHO).
Wafdigan Oo uu hoggaaminayey, Agaasimaha Caafimaadka Loo Dhanyahay, ee Xafiiska Sare ee hey’adda caafimaadka aduunka WHO Dr Peter Salama Ayaa waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay wasiirka wasarada caafimaadka iyo xubno ka socday Wsaaradda.
Masuuliyiinta ka socday WHO ee dalka soo gaaray ayaa muddada ay joogaan wasaaradda caafimaadka kala shaqeyn doono sidii loo fulin lahaa shaqooyin badan si loo helo qorshe caafimaad oo loo dhanyahay.
Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Drs Fowsiya Abiikar Nuur ayaa Xustay in masuliyiintan ka socota WHO ay booqan doonaan meelo badan oo kamida dalka si ay ugu kuurgalaan xaaladaha caafimaad.
Agaasimaha Caafimaadka Loo Dhanyahay, ee Xafiiska Sare ee WHO Dr Peter Salama ayaa dhankiisa ka mahadnaqay soo dhaweynta loo sameeyay, wuxuuna sheegay In Soomaaliya ay leedahay qorshe cad oo ay kula jaanqaadi karto dunida.