Wararka

Baarlamaanka Iiran oo ansixiyay Qaraar dhigaayo in Askarta Maraykanka ay yihiin Argagixiso.

Baarlamaanka dalka iiran ayaa maanta oo talaadda ah meel mariyay sharci cusub kaas oo dhamaan ciidamada Maraykanka ka dhigaayo in ay yihiin Argagixiso kadib dilkii uu Maraykanka u gaystay janaraal Qassem Soleimani.

Sharcigaan cusub ayaa argagixiso ku tilmaamaayo dhamaan ciidanka Maraykanka iyo shaqaalaha Pentagon-ka waxa uu sidoo kale sharcigaan cusub dhigayaa in dhaqaalo kasto ama taatiko kasto oo howlgalladaasi ku baxaayana loogu yeeri doona ficil lagula dagaalamay Argagixiso.

Janaraal Qassem Soleimani oo ahaa madaxda howlgallada ciidamada dibada ka dagaalamo ee Iiran oo loo yaqaano Qudis ayaa waxaa lagu dilay Garoonka diyaaradaha ee Baqdaad maalinimadii jimcaha kadib markii ay haleeshay gantaal uu soo tuuray Maraykanka oo loola danlahaa.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close