Wararka
António Guterres oo wada-hadal ugu baaqay Iran iyo Maraykanka.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobe António Guterres oo ka hadlay shir Jaraa’id oo uu qabtay ayaa sheegay in sanadkaan cusub uu ku bilaawday xaalad adag waxa uuna dalalka Maraykanka iyo Iran oo xiisad adag ka dhex taagantahay usoo jeediyay in ay dajiyaan xiisada siyaasadeed ee cirka isku sii shareerayso.
“Fariintayda way caddahay. Joojiyo dagaalka, meel dhexe hala jooga, wadahadal dib haloo bilaabo hana lasoo cusbooneesiiyo wadashaqayntii xeriirka caalami”ayuu yiri Guterres.
Xoghayaha ayaa intaasi sii raaciyay ” yaanan ilaawin masiibada bani’aadanimo ee uu sababay dagaalka. Waa shaqadayna guud in aan ka dheeraanaa”.
Dhanka kale Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump iyo Xoghayaha dalkasi Maraykanka Pompeo ayaa markale ku celiyay in ay doonayaan Nabad iyo in Iiran aysan lahaan Hubka wax gumaada ee loo yaqaano nuclear-ka. Waxa ayna intaasi raaciyeen in ficilada ay samayso dowlada Iiran lagula xisaabtami doona.