Wararka
(DAAWO): Madaxweynaha Puntland oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidamada Birmadka Madaxtooyada.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidamada Birmadka Madaxtooyada Puntland oo muddo 5 Bilood ah tababar uga socday xerada Ciidamada Daraawiishta Dowladda Puntland ee 54-aad.
Madaxweyne Deni ayaa bogaadiyey dhoolatus ay Ciidamada la tababaray soo bandhigeen, wuxuuna sheegay in tayeynta Ciidamada iyo inay helaan Mushaharaadkooda si joogto ah ay tahay waxyaabihii ay ku guuleysatay Dowladdu sanadka hadda dhammaaday.
Madaxweynaha DGP oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidamada Birmadka Madaxtooyada Maamulkaasi
Posted by TUSMO TV on Wednesday, 1 January 2020