Wararka
Xubno cusub oo uu dhawaan soo magacaabay wasiirka Maaliyadda Puntland oo maanta xilkii la wareegay.

Xarunta Wasaaradda Maaliyadda Dawlad goboleedka Puntland ay ku leedahay Caasimada Garoowe ayaa waxaa ka dhacay Munaasab ay xilka kula kala wareegayeen Masuuliyiintii hore iyo masuuliyiin dhowaan uu soo magacabay Wasiirka Maaliyadda Puntland Xasan Shire Cabdi.
Xaflada xilwareejinta waxaa ka soo qayb galay Agaasime ku xigeenka guud ee Maamulka Keenadiid Cali Jaamac, Agaasime ku xigeenka guud dakhliga Abshir Maxamed abshire iyo qaybo ka mid ah, Agaasime yaasha wax yaha dakhliga Wasaaradda Maaliyadda iyo masuuliyiin kale.
Masuuliyiinta xilka la wareegatay ayaa ka kala socday Gobolada Nugaal iyo Sool waxana ka mid aha:
GOBOLKA NUGAAL
1 Sharmaarke Maxamed Warsame Maamulaha Can/Beriga/G/Nugaal.
2 Abdiwali Xasan Nuur Xisaabiyaha G/Nugaal ee Wasaaradda Maaliyadda.
3 Maxamed Maxamuud Axmed ku Xigeenka Xisaabiyaha Gobolka Nugaal Wasaaradda.
4 Abshir Siciid Barre Maamulaha furdooyinka Gobolka Nugaal Wasaaradda Maaliyadda.
GOBOLKA SOOL
5 Jaamac Cabdulaahi Cabdi Maamulaha furdooyinka G/Sool Wasaaradda Maaliyadda.
6 Bashiir Cabdulaahi Khaliif Kormeeraha Dakhliga G/Sool Wasaaradda Maaliyadda
Masuuliyiin tii hore ayaa sheegay in ay shaqadan u soo wadeen si habsami ah madaxda cusubna u rajaynayaan in ilaahay u fududeeyo xilka loo igmaday.
Agaasimayaasha dakhliga Wasaaradda Maaliyadda ayaa sheegay in loo baahan yahay sidii loo samayn lahaa dakhli abuur xoogan sanada 2020 loona baahan yahay dadaal dheeri ah oo la qaado.