Wararka
Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ansixiyey Miisaaniyadda Sanadka 2020.

Xarunta Golaha Shacabka Jamhuuridda federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay kulankii Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka iyadoo lagu ansixiyey Miisaaniyadda Sanadka 2020, kaasi oo maalmihii la soo dhaafay ay ka doodayeen.
Ansixiyey Miisaaniyadda Sanadka 2020 ayaa waxaa ogolaatay 188 Xildhibaan, hal xildhibaan ayaa diiday waxaana ka aamusay labo xildhibaan.
Ansixinta miisaaniyaddaan ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku soo beegmaysa maalintii ugu danbaysay sanadka 2019, si sanadka 2020 oo berri ka bilaabanaya loogu shaqeeyo miisaaniyadda cusub.