Wararka

Wasiirka waxbarashada oo ka hadlay doorka bulshada Soomaaliyeed ee dhinacyada ka qeyb-galka waxbarashada.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada Hiddaha Iyo Tacliinta Sare ee xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay doorka ay bulshada Soomaaliyeed ku leeyihiin dhinacyada ka qeyb-galka waxbarashada gaar ahaan baahinta, tayaynta iyo waliba joogtaynta adeega waxbarashada xilliyada lagu jiro xaaladaha deg dega ah.

“Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare waxa ay qirsan tahay doorka muhiimka ah ee ay bulshada Soomaaliyeed ku leedahay dhinacyada ka qeyb-galka waxbarashada gaar ahaan baahinta, tayaynta iyo waliba joogtaynta adeega waxbarashada xilliyada lagu jiro xaaladaha deg dega ah” Ayuu yiri Wasiir Godax.
Wasiirka ayaa intaasi ku daray in ay sameeyeen habraac guud oo hagaya nidaamka xoojinta ka qaybgalka bulshada oo dhammaan bahwadaagta waxbarashadu adeegsan doonaan.

“Haddaba, iyadoo laga duulayo ahmiyadda ay leedahay ka qaybgalka bulshada ayaa waxa aan samaynay habraac guud oo hagaya nidaamka xoojinta ka qaybgalka bulshada oo dhammaan bahwadaagta waxbarashadu adeegsan doonaan. Waxaa naga go’an in aan sii xoojino ka qaybgalka bulshada ee dhanka waxbarashada iyadoo aan kor uqaadayno garaadka iyo aqoonta bulshada ee dhinaca ka qaybgalka”

Cabdullahi Godax Barre, Wasiirka wasaaradda waxbarashada Hiddaha Iyo Tacliinta Sare ayaa sidoo kale sheegay in ay ku dhawaad 673 dugsi oo dhammaan ku yaallo gobollada dalka ay u diyaariyeen ,711 xunood ku waas oo ka shaqayn doona tababarro ku saabsan ka qaybgalka waxbarashada.

“Waxaa kale oo aan wadnaa in aan 673 dugsi oo dhammaan gobollada dalka ah u aas-aasnay guddiyo waxbarasho oo dhan 4,711 xunood, isla markaana u bilownay tababarro ku saabsan ka qaybgalka waxbarashada iyo gaar ahaan sidii ay uga shaqayn lahaayeen horumarinta dugsiyadooda” Ayuu Yiri Wasiirka.Image may contain: one or more people and people sittingImage may contain: one or more people, people sitting and indoorImage may contain: 1 person, sitting

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close