Wararka
Ra’iisul Wasaaraha dalka oo gaaray magaalada Dhuusamareeb.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa inta uu joogo magaalada Dhuusamareeb waxa uu kulamo wadatashi ah la qaadanayaa qaybaha kala duwan ee bulshada reer Galmudug.
Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale waxuu u kuur geli doonaa arrimaha horumarinta bulshada, mashaariicda horumarineed iyo xaaladda amniga ee deegaanka.