Wararka
MADAXWEYNE ORDAGAN IYO RAIISUL WASAARE ABIYE OO KHADKA TALEEFANKA KULA SOO XIRIIRAY MADAXWEYNAHA DALKA.

Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Ordogan iyo Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Dr. Abiye Axmed ayaa khadka taleefanka kula soo xeriiray Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa ayna dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay qaraxii shalay ka dhacay Ex-Kaantarool Afgooye oo ay ku dhinteen 79 ruux halka 148 ruuxna ay ku dhaawacmayn.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahad-celiyey dhigiisa Turkiga, xukuumadda iyo shacabka dalkaas garab istaagga joogtada ah ee ay u muujinayaan shacabka Soomaaliyeed waxaa uuna sidoo kale uga tacsiyeeyay Madaxweyne Ordogan iyo shacabka dalkiisa labadii ruux ee u dhashay dalka Turkiga ee ku geeriyooday qaraxaasi.
Dhanka kale, Madaxweyne Farmaajo iyo Raiisul wasaare Abiye ayaa ka wada hadlay qorsheyaasha wadajirka ah ee sugida amaanka Gobolka Geeska iyo muhiimadda ay leedahay in dalalka Gobolku ay dardar geliyaan howlaha lagu xaqiijinaayo amaanka.