Wararka
Wasaaradda caafimaadka oo faahfaahisay xogtii ugu danbaysay ee qasaarihii qaraxii shalay.

Wasaaradda caafimaadka xukuumada federalka Soomaaliya ayaa soo saartay xogtii ugu horaysay tan iyo qaraxii shalay ka dhacay Isgooyska ex-kontorool, Afgooye waxaa ayna faahfiinta ku sheegtay tirade Guud ee la xaqiijiyay geeridooda iyo tirade dhaawaca ah.
Sidoo kale wasaaradda ayaa ka warbixisay gurmad caafimad oo loo fidiyay qaar kamid ah dadkii wax looga qaban waayay dalka Gudihiisa kuwaas oo loo qaaday dalka Turkiga. Wasaaradda caafimaadka ayaa sidoo kale sheegtay in ay rajaynayso in tiro kale bari loo qaadi doona dalka Qatar.
Hoos ka akhriso xogta wasaaradda caafimaadka oo Gooban;
- Tirada guud ee dhaawaca Isbitaallada la geeyey: 148
- Tirada la dhigay/jiifiyey Isbitaallada: 132
- Tirada isbitaallada laga saaray: 16
- Tirada guud ee dhimatay: 79
- Wasaaradda Caafimaadka waxay dhaawacyadii u kala saartay kuwo daran iyo kuwo roon, waxaana kuwa daran la geeyey Isbitaalka Digfer/Erdugan oo tiradoodu ahayd: 51
- Waxaa maanta dalka Turkiga loo qaaday intii ugu darnayd oo dhan: 15 qof
- Waxaa hadda socota dib u qiimeynta intii hartay si berri dalka Qadar loogu qaado
- Waxaa kaloo Wasaaraddu ku howlantahay raadinta magacyada dadkii ku dhintay qaraxii shalay
- Raadinta dadka la la’yahay oo Wasaaraddu la kaashanayso Wasaaradda Gargaarka
- Waxay Dawladda Turkiga noo keentay Takhaatiir iyo Daawooyin.
- Waxaa Wasaaraddu ka codsatay Dowladda Qadar Daawooyin Gurmad caafimaad
- Gudiga Gurmadka Wasaaradda Caafimaadka wuxuu la falgalay Gudiga Gurmad Qaran oo saldhigoodu yahay Wasaaraada Gargaarka.
Wixii soo kordha waa idin la socodsiin doonaa.