Wararka

MADAXWEYNAHA DALKA OO SAGOOTIYEY DHAAWACYADII KU WAXYEELOOBAY EX-CONTRO AFGOOYE.

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku sagootiyay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle dhaawacyada 16 kamid ah dadkii ku waxyeelloobay qaraxii maalinimadii shalay ka dhacay isgooyska Ex-Kaantarool Afgooye.

Madaxweynaha ayaa mid mid u dul istaagay dhaawacyadan oo xaaladdooda caafimaad ay aad u culus tahay, waxa uuna eheladooda u xaqiijiyey in xukuumadiisu ay ku bixin doonto dadaal kasta sidii ay u heli lahaayeen daryeel caafimaad oo dhammaystiran.

Dadka maanta loo qaaday dalka Turkiga ayaa waxaa kamid ahaa laba muwaadiniin Turki ah kuwaas oo uu madaxweynaha dalka uga taciseeyey Eheladooda iyo dowlada Turkiga wuxuuna Alle uga baryay inuu naxariistiisa janno ku abaal mariyo.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka dalka Turkiga gurmadkan caafimaad ee ay u soo direen shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan muwaadiniintii dhaawacyada ay kasoo gaareen qarixii shalay.Image may contain: 6 peopleImage may contain: 1 person, standing, crowd and outdoorImage may contain: 1 person, outdoorImage may contain: aeroplane and outdoorImage may contain: one or more people, sky, car and outdoorImage may contain: 2 people, outdoorImage may contain: 2 people, outdoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close