Wararka
(WAR-BIXIN): BANAAN BAXYADII UGU BADNAA OO SANADKAAN SII DHAMAANAAYO 2019-KA DHACAY.
Akhriso war-bixin la xeriirta dibadbaxyadii ugu saamaynta badnaa oo sanadkaan 2019-ka ka dhacay caalamka iyo raadkoodi.

Sanadkaan sii dhamaanaayo ee 2019-ka ayaa noqday sanadkii ugu dibad-baxyada badnaa marka loo eego sanadihii ugu danbeeyay, waxaana qaar kamid ah dalalka, Africa, Asia, yurub iyo America qabsaday dibad-baxyaal kala duwan.
Qaar kamid ah dibad-baxyadii ugu saamaynta badnaa sanadkaan dhamaanaayo ayaa waxa kamid ah”
Banaan-baxyadii ay dhigeen muwaadiniinta reer Ciraaq ee ka kaga soo horjeedeen musuq maasuq iyo wax isdaba-marin ay sheegeen in dowlada ku kacday taas oo daaqada ka saartay, in ra’iisal wasaarihii Ciraaq Adel Abdul Mahdi uu xilka iska casilo.
Banana-baxyaashii kasoo horjeeday dowlada Iran kuwaas oo ka caraysnaa sare u kac ku yimid shidaalka dalkaasi kaas oo gaaray 50% qiimaha shidaalka.
Dibad-baxyaal kasoo horjeeda qaab cusub oo ay dowlada Lebanon ku doonayso in ay ku xakamayso canshuuraha laga qaado Baraha bulashada sida WhatsApp-ka, facebook-ka iyo baraha kale ee dad weynaha ku xeriiraan ayaa sanadkaan ka dhacay dalkaasi Lebanon kadib markii sharcigaas lasoo saaray 17 October-2019-ka.
Banaanbaxyo ka dhacay magaalooyinka Haiti kadib markii ay madaxweynaha dalkaasi Jovenel Moise, lagu eedeeyay musuq maasuq iyo cunaqabateen la saaray shidaalka dalkaasi.
Dibadbaxyada Haiti ayaa dalbanaayay in uu is-casilo madaxweyne Jovenel Moise kaas oo sabab looga dhigo sare u kaca ku yimid shidaalka ilaa iyo February 2017-kii markii uu xafiiska yimid.
Illaa 21-kii October 2019, waxaa dalka Bolivia ka dhacaayay dibad-baxyaal ay dhigayeen dad ka caraysan doorashadii madaxweyne ee dalkaasi ka dhacday 20-kii October 2019, kadib markii Jeanine Áñez ay ku dhawaaqday in ay tahay madaxweynaha xaqa ah ee dalkaasi Bolivia.
Dowlada Hindiya ayaa sidoo kale ka mid ah dowlada ay sanadkaan 2019-ka hareereeysay dibad-baxyada, waxaana magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi Hindiya ku banaan-baxay ku dhawaad kumanaan Muslimiin ah oo kasoo horjeeday sharci mamnuucaayo in “muslimiinta lasiiyo shahaadaha dhalashada dalka Hindiya”.
Sidoo kale dowlada Shiinaha ayaa ayna la kulantay muwaadiniin Shiinays ah oo ka banaan-baxay sare u kac ku yimid lacagta lagu raaco Tareenada.
Dibadbaxyadii kasoo horjeeday hoos u dhaca dhaqaale ee suuqyada dalka Argentina taas oo ugu danbayn xafiiska ka erisay madaxweynihii Argentina, Mauricio Macri.
Muddaaharaad socday muddo laba asbuuc ayaa sanadkaan ka dhacay dalka Ecuador kaas oo dibad-baxyaasha kaga soo horjeedeen heshiis ay dowlada Ecuador la gashay Hay’adda lacagta adduunka ee (IMF) kaas oo ay ugu danbayn dowlada Ecuador ka noqotay bartamihii bishii October ee sanadkaan 2019-ka.
Sidoo kale dalalka Sanadkaan ay dibad-baxyada ka dhaceen waxaa kamid ah dalka Masar. Inkastoo dibad baxyada dalka Masar yihiin kuwa dhif iyo naadir ah, haddana waxaa magaalooyinka Masar sanadkaan ka dhacay dibad-baxyo ballaaran oo looga soo horjeeday madaxweynaha dalka Masar Abdel Fattah el-Sisi kaas oo ay ku eedeeyeen Musuq maasuq iyo wax isdaba marin.
Dibad-baxyadii looga soo horjeeday xarig iyo xukuma kala duwan oo dowlada Spain u gaysatay xubno horsed ka ahaa dhadhaqaaqyo lagu doonaayay in ay madaxbanaani hesho gobolka Catalonia oo ah gobol ay u badanyihiin qoomiyaha Catalan.
Banaab-baxyadii ka dhacay dalka Venezuela ayaa kamid ahaa kuwa saamaynta ugu ballaaran ku yeeshay caalamka kadib markii uu Juan Guaidó, hoggaamiyaha mucaaradka uu sheegtay in uu yahay madaxweynaha rasmiga ah.
Ugu danbayn, Shacabka reer Sudan ayaa sanadkaan 2019-ka waxa ay ku guulaysteen in ay xilka ka ridaan madaxweyihii in muddo ah xilka soo haayay, Cumar Xassan Al-bashiir kadib banaanbaxo gil-gilay magaalooyinka Sudan kuwaas oo ay ku nafwaayeen muwaadiniin badan oo reer Suudan ah.