Wararka

Wasiirka wasaaradda Awqaafta oo saxiixay heshiiska wadashaqaynta Xajka 1441/2020.

Wasiirka wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta xukuumada federaalka Soomaaliya Sheikh Nur Mohamed Hassan ayaa maanta kulan la qaatay Madaxda wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sucuudiga.

Wasiirka ayaa intii uu kulanka kula jiray masuuliyiinta waxaa uu saxiixay heshiiska wadashaqaynta Xajka 1441/2020 kaas oo ku salaysnaa sidii loo xalin lahaa caqabadihii xajkii sanadkii 1440/2019.

“Waxaan maanta shir kula yeeshay Madaxda wasaaradda Xajka & Cumrada Sucuudiga aniga oo isla maanta saxiixay heshiiska wadashaqaynta Xajka 1441/2020. Waxaan ku heshiinay wasaaradda xajka in la xaliyo dhammaan caqabadihii xajkii sanadkii 1440/2019” Ayuu yiri Wasiir Sheikh Nur.Image may contain: 3 people, people standing, wedding and indoorImage may contain: 4 people, people smiling, people sitting and indoorImage may contain: shoes and indoorImage may contain: 2 people, people sitting, table and indoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close