Wararka

Danjiraha Soomaaliya ee Zambia oo kulamo la qaadatay diplomaasiyiin sar sare.

Safiirka Soomaaliya ee Dalka Zambia, Xaawo Xasan Maxamed ayaa kulan wada xaajood ah la yeelatey Madaxa Diplomaasiyiinta Ururka Jaamacada Carabta ahna Safiirka Sudan u fadhiya Zambia Danjire; Hussein Awad Ali iyo Safiirka Koonfur Africa u fadhiya Zambia Danjire GN Twala.

Kulanka Safiirrada ayaa waxaa looga hadlay iskaashaga Waddamada ay matalayaan iyo sidii xiriir iskaashi dhanka ganacsiga iyo wax wada qabsiga ah ay u yeelan lahaayeen.

Safiirka cusub ee Soomaaliya u joogta Zambia, Xaawa Xasan Maxamed ayaa sheegtey in ay ku dedaalayso arrimo la xiriira sidii ay Dalka Zambia gudahiisa shaqo abuur ugu sameyn lahayd Dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku nool Dalkaasi.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close