Wararka
Ra’iisul Wasaare Khayre oo dalka Dib ugu soo laabtay kadib safar uu ugu maqnaa dibada.
Ra’iisul Wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka kadib safar shaqo oo ay ku tageen dalalka Qatar iyo Swizerland.
Ra’iisul Wasaaraha oo socdaalkiisa ka billaabay dalka Qatar ayaa 14-15 Deseembar Dooxa uga qayb galay Madasha Dooxa, waxuuna ka jeediyay khudab uu uga hadlay horumarka Soomaaliya ka jira iyo dowrka ganacsatada ee dib-u-dhiska dalka.
Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa intii uu madasha Dooxa ka qayb galaayay waxaa uu kulamo doceedyo la qaatay dhiggiisa Qatar iyo xoghayaha maaliyadda Mareykanka.
Ra’iisul Wasaaraha oo Deseembar 16, 2019, lagu soo dhaweeyay Geneva, ayaa Deseembar 17-18, 2019 waxuu ka qayb galay madasha qaxootiga adduunka oo markii ugu horresay sanadkaan la qabtay, waxuuna ka jeedyay khudbad uu uga hadlay xaaladda qaxootiga adduunka iyo sida ay muhiim u tahay in la isaga kaashado horumarinta nolosha qaxootiga
Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii uu joogay Geneva waxuu kulamo la qaatay madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, wasiirka arrimaha dibadda Sweden iyo agaasimaha cusub ee qeybta maamulka Bangiga adduunka,Axel van Trotsenburg.